top of page

A N I G U S O M A L I



S. Anigu S baan ahaa Calaamad saxaan ahaa Saldhig magac baan ahaa Dhaqan sugan baan lahaa.

Sanadahaan qabiiligaa Xirmadaan kala seerahaa Dagaalkan sokeeyahaa Dhibtaan ka subxaanaalee Maxaa ii galay sidaan.

O.

Anigu O baan ahaa Ogaal qaran baan ahaa Onkod roob baan ahaa Dhaxan ood baan ahaa Oori nabadaan ahaa.

Ololahaan kala dirkaa Omoskaan colaadahaa Odoroskaan baylahdaa Maxaa oomane I dhigay.

M.

Anigi M baa ahaa Magac jirey baan laha Maamuus qaran baan lahaa Ummad muslinaan lahaa. Meel kasta sharaf baan lahaa

Meer meerka wadiiqada Maalmahaan wada qayladaa Mixnaa intaa jirtee Maxaa oomane I dhigay.

A Anigu A baan ahaa Aqoonyahan baan lahaa Horyaal afrikaan ahaa AF iyo luqad baan lahaa.

L.

Anigu L baan aha Lixaad qaran baan lahaa Laf dhabarteenaan ahaa Dhig iyo look baan ahayn

Labadii gobanimada Luuliyo kowdeeda iyo Lixiyo labaatankii juun Israacii lagu hodmiyo Lamaanihii baan ahaa.

I.

Anigu I baan ahaa Ishii calankaan ahaa Irdihii nabadaan ahaa Isimiyo dhaqan baan lahaa.

Ibtiladaan guuraahaa Ifisadaan meel loo dayeyn Arimahaan yaabka badan Ilaahoow naga dul qaad.

by Cabdi Cali Boss


13 views

Recent Posts

See All

Comments

Rated 0 out of 5 stars.
No ratings yet

Add a rating
Featured Posts
Maxaa Cusub