top of page
Yassin Ade

BOOSASO BILANEEY



  • Badda dacaladeediyo

  • buurihii caleed iyo

  • biya kulule eegoo

  • barbarkaad istaagtaba

  • kama xiisa beeshide

  • boosaso bilaneey.

  • baashihii dalkaygiyo

  • waxaad tahay bustaantii

  • lagu rogo basaastoo

  • lagu reebo baahida

  • wixii berri Ku soo maray.

  • bosinka iyo yaasiin

  • burdihiyo xijaabkaan

  • bello iyo wax kuu daran

  • kaaga Baal xiraayaa

  • magacaaga billan baan

  • ruuxii Ku baaqaba

  • bil khayr ugu jawaabaa

  • bosaaso bilaneey.

  • burbirkii colaadaha

  • alaa kaa badbaadsheye

  • baaqaagu waa nabad

  • lagu kala bogsoodiyo

  • heshiis dawlad loo bogo.

  • ninkii baylahaagiyo

  • jecel baa'ba'aagaa

  • kaa naxa barwaaqada

  • biligaaga nuuriyo

  • amaantaada badanee

  • lagu baahsho sheekada.

  • bulshadii Ku jecel baa

  • Ku bogaadineysoo

  • Ku bariidineysee

  • bosaaso bilaneey

by Cabdi Cali Boss


13 views

Recent Posts

See All

Kommentare

Mit 0 von 5 Sternen bewertet.
Noch keine Ratings

Rating hinzufügen
Featured Posts
Maxaa Cusub