top of page

Gabaygii Aboorka iyo quraanshada h

Updated: Apr 3, 2020


  1. Aboorka iyo quraanshada hadaad aad udhugataan.

  2. Ayaguba awood durugsan agab mahaystaan.

  3. Aalad lagu shaqaystiyo aqoon abid maraadshaan.

  4. Isbitaal dabiibiyo iskuul ubad magaystaane.

  5. Hayeeshee aqool iyo talay ku istireexaan.

  6. Ayagoo itaalkaas lehbay urur samaysteen.

  7. Isku duubni weeyaan waxay ku intifaacaan.

  8. Awoodoo la biirshay arlada kaga aqdaantaan.

  9. Odayo u shaqeeyiyo kuway amar kaqaataan.

  10. Anshax iyo hiday leeyihiin iyo awaamiir.

  11. Ujeedkooda waxay fulin karaan ayaroo fudud.

  12. Wixii eebe siiyaa kufilan mana abraaraane.

  13. Anfacay ka keenaan halkaad adigu taagnayde.

  14. Asaagood ma dhawraan intay kala irdhoobaan.

  15. Sida aynigaan nahay cid kale uma adeegaan.

  16. Ubadkooda kii qalay waqood uma ergoodaan.

  17. Arligooda hooyiyo dhulkana iib magaliyaan.

 

Dhamaad by yassin sh nor


188 views

Recent Posts

See All

Comentários

Avaliado com 0 de 5 estrelas.
Ainda sem avaliações

Adicione uma avaliação
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page