top of page

Gabaygii AllihiiArlada suubiyay.

Updated: Apr 3, 2020


Gabaygaan waxaan tiriyay anigoo saran diyaarad aan ka soo soo raacay maago kutaala southka/koofurta Dalka maraykanka una socday magaalo kale westiga/galbbedka kutaala

 

1. Allihii Arlada suubiyee Samada dheereeyay. 2. Qoraxdana siraad uga dhigee saacad ugu buuxshay. 3. Inay socoto Allihi saamaxee suura galinaayay. 4. Sahalbay kugubilayd naflaha saaran oogade,e. 5. Allihii Sintaaca uxiree sugay amaankeeda. 6 Saxalka iyo Mariiqiyo Daruur sare butaacaysa. 8. Sallaan laguma gaaree Allihi noo Saqiray hawsha. 9 .Usujuuda Salaaddana tukada saacad iyo goor. 10 .Usubxaanalaystoo kabaqa waa siduu faraye. 11. Isagoon Saqiir iyo gabbow sabi u eegaynin. 12. Sankuneeflahoo idil Allihi siiyay calafkooda. 13. Mid walbaba sadkiisii Allaha siiyay kaligii. 14. Halkuu saanta dhigilaa Allaha sugay xisaabteeda. 15. Ciidana sariir uga dhigee soohdimo uyeelay. 16. Saacadooda geerida Alliha sugay ayaanteeda. 17. Usujuuda salaaddana tukada saacad iyo goor. 18. Usubxaanalaysoo ka baqa waa siduu faraye. 19. Waa sifooyin waawayn warkaan saaka qorayaaye. 20. Waa sifooyin waawayn waxaan sahalka moodnaaye. 21. Allihii socdaalkaas hawada saamaxee furay. 22. Southka inaanka duuloon westigu saacad iguqaadan. 23. SakhirahaIllaahoo Sakhiray badiya sawdkiisa. 24. Usujuuda Salaaddana tukada saacad iyo goor. 25. Usubxaanalaystoo kabaqa waa siduu faraye. 26. Sal mugiianigoo fadhiya Samada guudkeeda. 27. Oo aan suufisheegtiyo ahayn Malag sabaynaaya. 28. Sawdkayga inaantabin karee idin salaamaayo. 29. Sawir iyoqoraal wada socdana sahal idiin qaybsho 30. Sahal kumaahaateen hadaan Eebe saamixine. 31. Sareeyaha Illahee sakhiray badiya sawdkiisa. 32. Usujuuda Salaaddana tukada saacad iyo goor. 33. Usubxaanalaystoo kabaqa waa siduu faraye.

 

dhamaad by Yassin Sh Nor


16 views

Recent Posts

See All

Comments

Rated 0 out of 5 stars.
No ratings yet

Add a rating
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page