top of page

Gabaygii Caashaqa.

Updated: Apr 3, 2020


 
  1. Nimanyahow Codkiiniyo warkiyo Curinta suugaanta .

  2. Cibaaradii ka buuxdaan rabaa inaan Cusleeyaaye.

  3. Anigoon cilaaqayn hadaan curiyo suugaan.

  4. Inkastoo naftii cudur hayaa cabasho waayaynin.

  5. Cabsidaad tilmaantiyo hadaan caashaq yara eego.

  6. Cirbo daalinmaayee hadaan curiyo maahmaah.

  7. Ma caraatamaayee hadaan caad la aan furu.

  1. Caashaqu Haduu Cudur yahee Cududa wiiqaayo.

  2. Cayshka iyo quudka iyo haduu cunista diidaayo.

  3. Caqliga iyo dareenkiyo haduu carunka aafeeyo.

  4. Caynka aad tilmaanteen haduu yahay col guuraaya.

  5. Ruux kastoo cudoonaa haduu sahal ku caateeyo.

  6. Calwasaad haduu keenayee cuduro beeraayo.

  7. Cuqubooyin haduu dhalinayee Aadanaha ciilo.

  8. Caanadiid hadii uu ku rido kii wax caashaqa.

  9. Caynaanka aragiyo haduu maqalka caad saaro.

  10. Caafimaadki waxbaa laga bartee maa cirbado yeesho?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah

  2. Camalka iyo hawlaha haduu caajis galinaayo.

  3. Caqligiyo dareenkana lunshee Caalanimo keeno.

  4. Curdado iyo fadhiid lala noqdee lala curyaamaayo.

  5. Sidii cadow shisheeyaa haduu cudud ku faanaayo

  6. Waa wax laga caroodee hadaan cidi dabiibaynin

  7. Caynkaas dadkuu yeelayee jarayo cawdooda.

  8. Cid uhadasha maxaan loogu hayn Ciida guradeeda?

  9. Inta ciidan loo dhuro maxaa loo caburin waayay?

  10. Cilaaqaadka maxaan loogu jarin waaba cadowgaase?

  11. Cambaarayn maxaan loogu dirin cayka Suuriya?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Caashaq waa masiibee hadii uu cimriga gaabsho.

  3. Ciin iyo dhuunkaal iyo haduu cayn mariid yahay

  4. Maraykaankan cood iyo farsamo cududa wayn hasta.

  5. Ee intuu cirkii dagay hawada naga canshuuraaya.

  6. Ciidamada xaduudah fadhiya maa ka kala cayrsho?

  7. Caashaqbay la yaaceen Yahuud Carabi maa sheegto?

  8. Chineska ciidaas kabadan maa cuntada diido?

  9. Caafimaadki waxbaa laga bartaye maa cirbado yeesho?

  10. Wax walbaba cidbaa daba gashee Culimo maa yeesho?

  11. Cabir lagu ogaadiyo halbeeg Maxaa loogu curin waayay?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan celiyo baydkaan.

  2. Taariikhda inuu caan ku yahay waan cabirayaaye.

  3. Cilmibaa la haydaad waxbadan nagu cabsiisaane.

  4. Kolkuu ciida soo dagay dad cidi mahaysaa?

  5. Cabsibaan dareemaye dadow caashaq yaa dhalay?

  6. Mase waa cirfiid waalanoo aan casaba sheegan?

FG: Waxaa lagayaabaa in Tixdaan ama afareydaani aysan ahany gabay dheer oo cibaarooyin iyo xujooyin suugaaneed oo waawayni ka buuxaan,mana ahan gabay suugaan ahaan la turxaan bixiyay, sidaas daraadeed fadlan hadaad ku aragti meel kadhac aadan aqbali karin ama aadan ka filay in qof afka yaqaanaa suubiyo xikmad ahaan ama cilmi ahaan ama dhismaha tixda qudheeda fadlan ila soo xariir si aan ujoojino inaan khalad baahino. Iila soo xariir siyaabahaan tii kuu fudud Somali Idaho Page Click her fooka sixida Click here. Facebook Click here. email to Yassin Click here


201 views

Recent Posts

See All

Comentários

Avaliado com 0 de 5 estrelas.
Ainda sem avaliações

Adicione uma avaliação
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page