top of page

Gabaygii Qiyaas Gabay

Updated: Apr 3, 2020



Yassin Sh Nor
 
  • Axmadow Qiyaas gabay waanigaan qorin dhawaantaane.

  • Waanigaan qorshayn erayadii qaaliga ahaaye.

  • Waanigii qaxootiga noqdoo Qaaraddo u kacaye.

  • Qiin iyo Han waniigii la dagay qolada jayniise (Chines)

  • Qulub iyo wareer waanigaan qaadan dhuuniga e.

  • Qalbigaygu wuxuu kaydiyaan qarax lataagnaaye.

  • Qarniyaal midkaan laalayaa qoorta ii yimide

  • Aan qotomiyo Caawoo kaluu qiima leeyahaye.

  • Aan qurquriyo Qaniimada Murtida qayb dhanbaan helaye.

  • Qanibaa illa higa dhigoo Qoon ma kaashado’e

  • qasnadihiisa waxaa loo fasaxsy aniyo qayrkay

  • Qalbigayga waxaa loogu dhigay sidi quraankiiye.

  • Binii aadan intuu qaadi karo Qaadir igu miisye

  • Dadku waw qushuucaan kolkaan qaafka soo galo,e.

  • Qaynuun murtidu leedahaan qodobo eegaayo.

  • Qadaf kuma lifaaqoo xikmada waan qadariyaaye.

  • Ma qayoodo kolkay dhawrayaan qabashadaydiiye.

  • Aan qudbeeyo waataad rabteen inaan qiseeyaaye.


43 views

Recent Posts

See All

Comments

Rated 0 out of 5 stars.
No ratings yet

Add a rating
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page