top of page

Gabaygii Xuseen Jiis

Updated: Apr 3, 2020


Yassin Sh Nor
 
  1. Boqor iyo suldaan iyo Ugaas amase beel daaje.

  2. Burji iyo nasiib ruuxi loo beesha laga doorto.

  3. Burhaan iyo Ayaan kii watiyo kii baruud adag leh.

  4. Been iyo xumaan ninkii laga korshiyo kii ka baqa ceebta.

  5. Bulshaduu la noolyiyo naflaha kii badbaadiya.

  6. Een buuq abuurina wanaag baahiyee wada.

  7. Inuu balalo qaatoo wax dhaco kaan uqabin baahi.

  8. Bisaylkii aqoontiyo cilmiga buro ninkii haysta.

  9. Bixinta iyo deeqdana illaah baqadi dhiibaaya.

  10. Kolkii laysku baanee war jiro talada kii buurta.

  11. Markay baladu joogtoo dhibyaal hanadka loo baahdo.

  12. Birlab aan jabaynoo wax tara geesi laga bayro.

  13. Sheekh bara culuuntiyo sharciga buuni laga dhawro

  14. Baasha Xussen jiis dadow uma baxaysaane.

  15. Beerka waxaad ku haysaan dadow boqorka waydiiye.


68 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page