top of page

Illahow Amuurteena Sahal

Updated: Apr 3, 2020



 
  • Indhawaydba siinlay matirin sawdki maansada,e.

  • Ma samayn Cabdow waayadaan suubantii gabaye. Cabdi=(C/kariin X Barseeye)

  • Inaan salalo mooyee murtidi kuma sifaadayne.

  • Saabkayga laabtiyo afkaan qabin su aashaase.

  • Halkii aan ka seeraarinjiray subaxna maahayne.

  • Hayeeshee xalaytaa saq shexe sowlax ii baxaye.

  • Aan sifeeyo caawoo kaluu saami galayaaye

  • Afartaa sifeeyaye waxaan siinka ugu laabtay.

  • Soomaalaay waxaad sahashataa saatan kuu galay.

  • Safafkii qabiilkee ku baday silica maantaah.

  • Saldana kalkaad moodaybuu suulay magiciiye.

  • Saqiirada kolkaad gawracdad seegtay marinkiiye.

  • Sokeeyaha kolkaad laysayee laysku socon waayay.

  • Sagalkii colaadiyo kolkaad xumaha saanyootay.

  • Soohdimaha kolkaad yeelatee laydin kala siibay.

  • Qabqablaha siloon iyo kufriga kugu sidaynaaya.

  • Kolkaan sama ka dhawrwrtaa walee laydin suuxiyay.

  • Afartaa sifeeyaye waxaan siinka ugu laabtay.

  • Seeduhu waxay kugu go,een sahal iyo dheeldheel

  • Cidi kuma surgoynine adaa suudiga iswaraye.

  • Saancadaaga adaa gacashadoo saaxir aaminaye.

  • Sidkahaagi adaa gawracoo sayray caanihiye.

  • Subaggiyo karuurkiyo adaa qubay saliidii.

  • Sun iyo dacar adaa qalamsadoo galiyay saabkii.

  • Suufkiyo dhibaatada adaa saanyadoo rabay.

  • Suuqyo laysku baayaco adaa suray dalkaagii.

  • Maxaa laysku seegaa dalkii waa la saanyade

  • Afartaa sifeeyaye waxaan siinka ugu laabtay.

  • Dadkayagu siduu yahay hadaad saaka dhugataan.

  • Seefaha dhexdoodaa waqood kama sariigtaane.

  • Shisheeyuhu siduu doonayay wada sameeyaane.

  • Adaa naga sareeyay nin kale sacab tumaayaane.

  • Adaa naga sareeyay nin kale ugu sujuudaane.

  • Anaa kaa sareeyay kan xiga soorka daryaane.

  • Sanhaabo beeniyo waxbaa lagu sumeeyaaye.

  • Illaahow amuurteena sahal way na sidataaye

  • Illaahow amuurteena sahal soohdimaa jira’e

  • Adigaa waxaad saamaxdaa suura galayaane.

  • Adigaa waxaad saamaxdaa sama dhalaayaane.

  • Adigaa waxaad saamaxdaa salah fulaayane.

  • Adigaa waxaad saamaxdaa sabab ubaahnayne.

  • Adigaa waxaad saamxdaa sugid ka maarmaane.

  • Adigaa waxaad saamaxdaa sare ahaadaane.

  • Adigaa waxaad saamaxdaa saabil galahayne.

  • Silic iyo dhibaato iyo khayr samiyo rayn rayn.

  • Labadaba Adaa suubiyoon lagu suaalayne.

  • Sareeyihi saareeyiyo Rabiyow sahal amuurteene.

  • Illaahow amuurteena sahal waan sahwiyayaaye.

  • Illaahow amuurteena sahal way siloontahaye.

  • Illaahow amuurteena sahal sare naloo diidye.

  • Illaahow amuurteena sahal saawir nala moodye.

  • Ilaahow amuurteena sahal sarena noo qaad.

  • Illaahow amuurteena sahal samana noo naadi.

  • Illaahow amuurteena sahal saacad iyo goor.

  • Illaahow amuurteena sahal suufku nagu raagye.

  • Illaahow amuurteena sahal saabir baan nahaye.

  • Illaahow amuurteena sahal laysku socon waaye.

  • Illaahow amuurteena sahal sayre sharafkiiye.

  • Illaahow amuurteena sahal silic dadkeeniiye.

  • Illaahow amuurteena sahal wayna sabayaane.

  • Illaahow amuurteena sahal wayna sirayaane.

  • Illaahow amuurteena sahal siiro nala geeye.

  • Illaahow amuurteena sahal nalaku soo soofye.

  • Illaahow amuurteena sahal saancadaa yimide.

  • Illaahow amuurteena sahal la ina seeteeye.

  • Illaahow amuurteena sahal suuqa nala geeye.

  • Illaahow amuurteena sahal siibe calankiiye.

  • Illaahow amuurteena sahal sahayde ciidiiye.

  • Illaahow amuurteena sahal soohdimaa jira,e.

  • Illaahow amuurteena sahal layna kala soocye.

  • Illaahow amuurteena sahal layna kala saarye.

  • Illaahow amuurteena sahal layna wada siibye.

  • Illaahow amuurteena sahal saatan waa halise

Dhamaad

by Yassin Sh Nor


23 views

Recent Posts

See All

Comments

Rated 0 out of 5 stars.
No ratings yet

Add a rating
Featured Posts