Maansadii qalbi foorara
qaladkeenu badanaa
waa lays qaleeyeye
qofba tiisu waa sax
oo qumanihiisii
qoortuu u suran yahay
qalad baa sax laga dhigay
qabowgii kulayl noqoy
quba dhaqanka lagu hees
qoryoo jaan la wada gadey
la iloow qaraabiyo
xigaaloo god loo qoday
qolo qolo la aanoow.
qarankii haduu dumay
na qabsade maleeshyiyo
qoodh liidaroo badan
ninba qoys ka soo baxay
qaali huurshe noo tali
qaadiyo qarshaa haray
qudha oo la googiyo
dhiig lagu quraacdiyo
ha ka harina boolida
xaaraantu waa qurux
iimaanku qolof noqoy
murugaa la wada qaxay
lagu faan qaxootiyo
quud shisheeye laga helo.
quruxdii dhuntaa badan
kumanyaal qabwaynoo
is qoonsanaya oo badan
qawlaha wareegoo
wax qooraansadaa badan
qori iyo rasaas badan
madfac soo qarxaa badan
intaa qosol gariir badan
niyad quusataa badan
qalbi fooraraa badan
qabaan lagu socdaa badan
meel kastaa qabuur badan
lafo iyo qalfoof badan
qashinkaa nugleerkoo
laygu soo qubaa badan
qabyadeenu ciil badan
quruxdii dhuntaa badan
qabqabliyo ma naxe badan
oo qoorta lulayoo
nagu wada qamaaroo
da'dan qooqanoo badan
idaacadoo qablamayoo
iska qayliyaa badan
siyaasigii qolaa badan
oon gar qaadanaynoo
quuqlaynayaa badan
shirar wada khilaaf badan
misna aan is qabanoo
intaa qaabilaad badan.
aniguna qaybtay
nabadaan u qayshaa
quruxdeenu waa qaran
calan iyo midnimo qaran
mudaan kala khawaafnoo
qolo qolo u dirirnaye
mar labaad ma qaadnaa.
inaan sii qaxnaan Rabin
khoof iyo cabsaan Rabin
dhiig qubanayaan Rabin
qabyadeena maatada
la sii kala qoqobayiyo
xeryahaa qaxootiga
laygu quudiyaan Rabin
mar dambaana qalad rabi
By Cabdi Cali Boss
Comments