top of page

Shalaybay isdooxeen hadana way isdilayaan.

Updated: Jan 8, 2020



 

1. Shalaybay isdooxeen hadana way isdilayaan.

2. Dacdariyo dhibay qaybsadeen kamana daalaan.

3. Dad la laayay wixii duunyo lumay dib uma eegaan.

4. Dabka shidan cidii daminlahayd dad umahaystaan.

5. Duligiyo duruuftiyo shidadu diirinmahayaane.

6. Dalka dumay & maatada dayacan kama diqoodaan.

7. Dantoodiyo halkii daawo taal uma dawaafaan.

8. Nin udaran daruustuu udhigay ka dawoobaan.

9. Kolkii dabinka loo dhigo waqood doc ama bayraan.

10. Daba qoodhi kolkii lagu dalbado diid ma karayaan.

11. Doolaalada qabiilkiyo war xumo kama duqoobaan.

12. Kolkii laysku soo diro dab iyo darar mawaayaan.

13. Dawdarada qabiilkiyo kuwii daqarka gaarsiiyay.

14. Iyagaa udoodee miyaa cidi kadiidaa.

by Yassin Sh Nor (Yassin Ade)


97 views

Recent Posts

See All

Comments

Rated 0 out of 5 stars.
No ratings yet

Add a rating
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page