XABAD JOOJIN
haddey cido dagaalaan dabka laysu qaatoo
duulaan col uu dhaco duqoow iyo wax garad iyo duub cad baa u kici jirey dabkaa shidan bakhtiin jirey ninkii samaha diiddana calaamaa dul oolayd kii dibnaha la saaraba xagga daa'imkeey baa belo lagu dam siin jirey habaar kama dib jiri jirin inkaartaa dab naariyo ka darnayd dhinbilo daran docdii dheeri loo helo qaalma diir caddaa iyo magbaa lagu dawayn jirey la isugu ducayn jirey. dadku ood wadaag buu isu doonan jireyoo hadba meesha doogaleh waa laysla degi jirey. dalku waa qaboobaa dadku ways qadarin jirey diintaa xurmalahayd xaqaa diirka ka cadaa ducaa loo dhiteyn jirey roob doon qurbaa jirey agoon lama dafiri jirin dugsiyada quraankana edeb duuga baa tiil. maantana dalkeenii maantana dadkeenii dulmigaan Ku faanaa ninkii samaha dooniyo kii aan dagaalamin doqon baa la moodaa xaaraanta duhur baa lawlis loo ritaayoo xalaashaba ka dooroon xumuhu waa mid daahiran wanaagaan Ku diinnaa darajadii aduunkaa tii aakhiro ka dooroon dhaqankiyo dadnimadaa hoos u sii daciifaye islaan iyo duqii qabey da'yartiyo caruurtii ayaan kala dambeyneyn. mid sheydaan duleeyoo xaqa laga dabkoloo ka dardhaday qabiiloo u dalacay nin sare oo layska daba ordaayoo intaa ciidan dumayoo dariiqii rasuulkiyo diintii ilaahay dacal maraya badanaa. kumanyaal dufooboo ka dahaaran samahoo kuman duufsanaayoo kuman doorinaayoo kuman diirataa iyo kumanyaal la duray iyo daroogiistahaa badan. kumanyaal daliganoo dilku Sahal u yahayoo ninna dayn ayaa badan. aloow noo doojiyoo dawiyo nabad noogu doori daruur caafiya dul grey dadkii kala duday dawee dadkii kala diday dabaal, intii dhaawac ah dabiib colaadaa socota damiyoo bur cad isu mari dushooda. aamiin..aamiin...aamiin
Cabdi Cali Boss
Comments