top of page

Gabaygii Afku Dhayid


  1. Inkastoona Aliflaydi tiring tira ayaamaah.

  2. Inkastoon afkaygiyo qalbiga awday waayadan.

  3. Inkastoon ilaaq lama hadlee dhigay oraahdii.

  4. Inkastoo wixii eeddo dhacay uurku gubanaayay.

  5. Isha inaan ka dhawraa dadow maba ekoonayne.

  6. Bal aan eego af waa lagu dhayaa iinta kugu taale.

  7. Umadyahay inkaaraha qabtee is ajalaysaa.

  8. Umadyahay inkaaraha qabtee kala ordaysaa.

  9. Umadyahay inkaaraha qabtee kala ufootaa.

  10. Umadyahay inkaaraha qabtee wada abraartaa.

  11. Umadyahay inkaaraha qabtee kala awaarayn.

  12. Umadyahay inkaaraha qabtee uunku nacayaa.

  13. Umadyahay inkaaraha qabtee lagu adeegtaa.

  14. Umadyahay inkaaraha qabtee Laga ordaayaa.

  15. Umadyahay inkaaraha qabtee Uubta qodotaa.

  16. Umadyahay inkaaraha qabtee iilka hurudaa.

  17. Umadyahay inkaaraha qabtee aabi hadashaa.

  18. Umadyahay inkaaraha qabtee is ilaaqdaa.

  19. Umadyahay Inkaaraha qabtee eeda dhurataa.

  20. Umadyahay inkaaraha qabtee aarka sugataa.

  21. Umadyahay inkaaraha qabtee aano dirirtaa.

  22. Umadyahay inkaaraha qabtee Ubadka dooxdaa.

  23. Umadyahay inkaaraha qabtee uggubka laysaa..

  24. Umadyahay inkaaraha qabtee agabka boobtaa.

  25. Umadyahay inkaaraha qabtee oonka dhimataa.

  26. Umadyahay inkaaraha qabtee aaya li,i nool.

  27. Umadyahay inkaaraha qabtee aan aqbalin xaajo

  28. Umadyahay inkaaraha qabtee Uruka diidaa.

  29. Umadyahay inkaaraha qabtee wada ilwaarayn.

  30. Umadyahay inkaaraha qabtee beenta olosahaa.

  31. Umadyahay inkaaraha qabtee kala irdhawdaa.

  32. Umadyahay inkaaraha qabtee wada ilduuftaa.

  33. Umadyahay waxay eeday shalay aga wareegtaa.

  34. Aadanuhu wuxuu diidayee laga ufoonaayo.

  35. Umadyahay inkaaraha qabtee ku istareexdaa.

  36. Orgobiyo Asbeesiyo Yaxaas Adari laayaana.

  37. Umadyahay inkaaraha qabtee ehelka moodaa.

  38. Aar iyo gool Arbe iyo shabeel uubayio yay.

  39. Umadyahay inkaaraha qabtee uun kasugataa.

  40. Afartaas ekeeyaye waxaan ku afjaraayaa

  41. Anagaa is idlaynee cid kale inama aafayne.

  42. Is aqbala Illahay dartii gaadhe ebertiiye.

  43. Is aqbala Illahay dartii kala irdhowdeene.

  44. Is aqbala Illahay dartii uunku nala yaabye.

  45. Is aqbala Illahay dartii nalaka aynaadye.

  46. Is aqbala Illahay dartii nala ihaaneeye.

  47. Is aqbala Illahay dartii ururku waa guule.

  48. Afartaas ekeeyaye waxaan ku afjaraayaa

  49. Alle bari intaad wada gashaan Eebe tala saarta.

  50. Alle bari intaad wada gashaan nabada ooheeya.

  51. Alle bari intaad wada gashaan eeda wada dhaafa.

  52. Alle bari intaad wada gashaan aarka naga daaya

  53. Alle bari intaad wada gashaan aano wada diida

  54. Alle bari intaad wada gashaan eega sharaftii.

  55. Alle bari intaad wada gashaan naca asaagiin.

  56. Alle bari intaad wada gashaan nacabka eegtaalsha.

  57. Alle bari intaad wada gashaan Aabe wada yeesha.

  58. Arligeena hooyiyo dhulkana iib halugu diido.

  59. Ixtiraam uyeeshoo dadkuna yuu ugaar noqon.

  60. Ehelkiyo ardaayada is jecel yaan laka oodin.

  61. Isku ururin mooyee waroy kala irdhayn diida.

  62. Hadba kii itaal daran arkoo gacalka ooheeya.

  63. Eexda diida illaahay kabaqa amarsan weeyaane.

  64. Awaamiirta guud iyo sharciga yaan ilduuf galin.

  65. Afka qora aqoontana kobciya ubadka waw guule.

  66. Inkamkiyo dhaqaalaha in yari yay afkaw dhigan.

  67. Askartiyo adeegyada bulsha yaan iblays qaban.

  68. Hawlaha kuwii loo idmado eeda kala yaaba

  69. Hadii ay ilduufaan war nugul aayar ugu sheega.

  70. Istiqlaal ku footkiyo amnigu waa astaan qarane.

  71. Ikam iyo dhaqaalaa kuwaa lagu ilaalshaaye.

  72. Indinkoo adkeeyaa walee ku intifaacdaane.

  73. Ka adkaada illaalada jinkoo tuban ardaagiina.

  74. Aafadi qabyaaldu mar kale yaanay ubad qaadin.

  • By Yassin Sh Noor

13 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page