top of page

Gabaygii Karonaha (corona Virus)

Updated: Oct 28, 2020


  1. Dalkayagi duruuftiyo shidadu waa is daba jooge.

  2. Daaduunta weeyoo shacbigi way dawarayaane.

  3. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  4. Dacdaradiyo baahida shacbiga aad udaranyaysan.

  5. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  6. Dirirtii qabiilkiyo caqligi doonta laga saaray.

  7. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  8. Madamqade daruuriga sidii daham u miisaama.

  9. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  10. Ayagaa is dilaayoo dadkani duunyo shaabaha’e.

  11. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  12. Deeganadi kuwaa laga qaxshee aan dugaal helin.

  13. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  14. Duunyadi kuwaa laga dhacee taagan dibadaas.

  15. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  16. Kuwii daadku qaadee hadana diifti wali hayso.

  17. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  18. Dalagii kuwaa laga gubee baahi daranyaysan.

  19. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  20. Dariiqyadi kuwaa laga xirteen doc u fiyoobayn.

  21. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  22. Dawarsiga kuwaa qabatimee daaqadaha taagan.

  23. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  24. Dumarkiyo ilama baahanee daynta lagu yeeshay.

  25. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  26. Naafada darbiyada buuxda een cidi daryeelaynin.

  27. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  28. Duqowdiyo dadkaa wada bukee aan dabiib helin.

  29. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  30. Diyaarado intay soo dagaan deeq ma bixiyaane.

  31. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  32. Askataas duufaha qabtee daafaca u taagan.

  33. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  34. Shisheeyihi dabkii laynayuu diirada hayaaye.

  35. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  36. Damiir laawayashii shacbigi waysku dilayaane.

  37. Illaahow Corona ha ugu darin daa’inbaad tahaye.

  38. War dadyahow intaad daawataan ducadan Aamiin dheh.


By Yassin Sh Noor (Rainbow)

52 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page