top of page

Muusow qormadaad dhigtaa qawl yar igaacay. ***************QUUS**************************


  1. Mid quustoo qawaday qoonti laga siibay.

  2. Imisaa qaracan Ruuxi qabay qulubki waydaartay.

  3. Imisaa Qalfoofihi engagay qadow dhalaaleen.

  4. Imisaa Qawaafyadi fallaa qun u hagaageen.

  5. Imisaa Qisaas ruux uxiran qoolki laga daayay.

  6. Imisaa Qadiim iyo gabbow qiimo sare yeeshay.

  7. Imisaa Halkii quustu tiil farax la qawlaamay.

  8. Imisaa miduu qadaf ku dhacay sharafti loo quuray.

  9. Imisaa Midaan qiil uharin Qaadirku u hiilshay.

  10. Imisaa dhibay qabi jireen qun uga sheekeeyay.

  11. Qadar weeye Eebbee qabsoo qoro kalaankaas.

  12. Hana quusan Allaha Qaadiraan qiilki maranayne.

28 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page