top of page

Gabaygii war Idoorta

Updated: Apr 3, 2020



 
  1. Indhawaydba delay matirin daabicii gabaye.

  2. Dibnahayga waataan ka xiray toban diraacood.

  3. Dararti iyo xiisihi murtida dowray waayadan

  4. Inkastoo Daainkay ibaray dan uma faalayne.

  5. Dareenkayga laabtiyo afkaa diiday oo nacay.

  6. Duruufah aduun iyo wakhtigu lumiye dookhiiye.

  7. Wixii aan daleelraacin jiaray daad ma soo rogine.

  8. Aan digsiiyo caawoo kaluu daawo dhalayaaye.

  9. Aa dareersho danbaan kaga halaa dawga maansade

  10. Aan dulmaro oraah durugsan iyo xaajo dulucwayn.

  11. Aan dabbeeyo mishiimada durkiya doodahaan furo.

  1. War idaya dadkaa kale nacoo ani isoo doorta

  2. War danbaan kaleeyahay dhibtee diiday iga dhawra.

  3. War is dila dadkii ina wataa diiday nabadiiye.

  4. War duqow diib iyo akhyaar dabar jaroo laaya.

  5. Dumarkiyo Ciyaalkana qaxshoo dibada gaarsiiya.

  6. Dibadaa wanaagsane tahriib diiqalyo uguura.

  7. Dabadaan ka keenaa hubkee diriri yay joogasan.

  8. War is dooxa duulaan iyo colaad aniga way doore.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa.

  2. Dalkaan gadiye dilaal iyo milaal diraca iikeena .

  3. Daba dhilif hadaad leedihiin doorta kaligiis.

  4. Qabiiladu intay kala didaan yaan dakano joogsan.

  5. Wax la dumiyo mooyee dhismaha daahiyoo naca.

  6. Dakadiyo garoomada xiroo baahi wada daata.

  7. Dalaga iyo beeraha nacoo caato wada duukha.

  8. Daroogada intaad wada cuntaan wada dayaysnaada.

  9. Dugsigiyo iskoolada xiroo dila aqoonlayda.

  10. Dada soo koraysana khariba yaanay doornoqone

  11. Aan idiin dardaarmee waqiin dirir utaagnaada.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa.

  2. Duunyada intaad kala dhacdaan aana daba jooga.

  3. Dariiqyada intaad wada gashaan dooxa gacalkiina.

  4. Dabinka iyo miinada ku xira daydka gurigiina.

  5. Isku duuba dambaaburo qarxoo meel dad badan eegta.

  6. Daawada intaad naga dhigtaan dacarta noo qaybsha.

  7. Dardar galiyo afduubkiyo dilkoo xumuhu yuu daalin.

  8. Dibindaabyo mooyee wax kale yaan laka doonan.

  9. Aan idiin dardaarmee waqiin diiradlaha haysta.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa.

  2. Kuwii dibada joogaa ifaray boqol duruufoode.

  3. Dantoodiyo dantayday rabaan inaad danaysaane.

  4. Dagdagsiiyo waxaan doonayaa deeq inaan helo.

  5. Ayadoon dagaal dhicin waqood deeq mabixiyaan

  6. Dagmo nabada intay taagantahay dib udhacweeyaane.

  7. Dagaalada sokeeyaha badshoo darariyoo maala.

  8. Dagaal ooge mooyee ninkale diida taladiisa.

  9. Kuwa nabada doodoonayana yay dalkaba joogin.

  10. Aan idiin dardaarmee waqiin duubabkaba laaya.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa.

  2. Taariikhda duugaa hadaan dib uga faaloodo.

  3. Dawyo hore wixii tagay hadaan daawasha u aado.

  4. Reer Dacas ragay naga dileen aar Malaga doontay?

  5. Diyo kuma qancaynee miyaad inamo dooxdeen?

  6. Duudsi miyaad ka joogtiin waxay odoyo duugeen.

  7. Reer Darbaal duunyaday dhaceen dabagal yaw aaday?

  8. Deeblaheeni oo dhalay haday darar ka maalaane.

  9. Miyaan laga diqoonayn waxay inaka duubeen

  10. Reer Daacuun dagaalkaan galiyo dirirti waagii.

  11. Dabaabado waxay naga furteen kama damqaysaane.

  12. Waa maxay daminada jirtaa waan dareensadaye.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa

  2. Reer Daaf deegaankaan lahayn waakan soo dagaye.

  3. Dabaqyay ka jeexeen halkii darintu noo tiile.

  4. Dukaamiyo macdaaray furteen nimanki Reer duure.

  5. Ma dalkaan wadaagnaa waxani waa damiir li’iye.

  6. Dab iyo dhamac anaa keenayee dirirta nooleeya.

  7. Dooxato iyo gaadaba ukaca dilida qoyskaas.

  8. Ayagoon digtoonayn dharaar maalin ugu diira

  9. Ku digtoo xasuuqoo midkood deeble yuu dhaqan.

  10. Ku dabreeya waa dadkaa yaroo wada daciifkaahe.

  11. ku dareera dantaan leenahaa duuga sharaf wayne.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan dabadhigaayaa.

  2. Idinkoo idoortaa walee darjo gaadhaan.

  3. Idinkoo idiidaa walee dib udhacaysaan.

  4. Idinkoo idiidaa walee danabo waydaan

  5. Idinkoo idiidaa walee dabar go aysaan.

  6. Idinkoo idoortaa qalbigu iigu dagayaayo.

  7. Dahabkiyo batroolkaan durbaba soo dalacayaa.

  8. Badaas dacalka waynbaan kaluun soo daldalayaa.

  9. Deegaankaanu leenaan ka shidi damalo waawayn.

  10. Duqaydeena beeshaa carada diiqyo ka ahaan

  11. Kuwii noo daraaba markiba ciil la daranyoon

  12. Dastuurkay kutaalaa inaad iga dambaysaane.

  13. Iga daaya dadaad ila sintaan waa damiir li’iye.

  14. Iga daaya dadaad ila sintaan waan ka diriraaye.

  15. Iga daaya dadaad ila sintaan waa dan iyo guule.

  16. Aan idiin dardaarmee waqiin doorta kaligay.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa.

  2. Diintiyo shareecada hadaad dib ujaleecdaan.

  3. Asaagiin wuxuu doonayaad daba maraysaane.

  4. Iska daaya duruustiyo waxaan daaha dhalinaaya.

  5. Dad kalaa waxay doonayaan inay naduubaane.

  6. Diiradaa nasaarane kacoo badiya duulaanka.

  7. Dad iyo maal waxaad leedihiin yaan dibloodhigan.

  8. Doolaalo mooyee marnaba yaan difaac jirin.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan daba dhigaayaa

  2. Wadaada dinaahyaynayee nabada doondooni

  3. Dalabbaan ku haystaa ayagu waa damanayaale.

  4. Dariskaa waxay iga rabaan duubab culimaahe

  5. Dakhli iyo dhaqaalaan rabaa inaan ku doontaa.

  6. Darsin iyo daraasiin wadaad waa ladirayaayo

  7. Sidii dibi xaraashiyo damaan dibada waan gayn.

  8. Koodii daleel laga heloo aan difaac galin .

  9. Asagoon digtoonayn dhaar daaqad la booda.

  10. Idinkoo duleeyoo qabiray danab ku aafeeya.

  11. Diintiyo wuxuu sheegayana duuba hadalkiisa.

  1. Afartaas digsiiyaye waxaan kaga dagaayaa.

  2. Haween kaan darbaalada watee daaha loo xiray.

  3. Dugsiyadana buushee hadeer diidan sacabkii

  4. Dabagaab ilaa loo xiro waan dagaalami.

  5. Dimuquraadi weeyaan waxyiga Layla soo diray.

 

Dhamaad


67 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page