top of page

Anagu si loola tacaalo manaqaane waa inaan u gabaynaa Coronavirus (COVID-19) Waxaana iri itan

Updated: Apr 9, 2022


 
1. Karonaa Aduunyadi ka dhigay badi karaantiile. 2. Kuuriyo dawaan loogu hayn koonkan oo idile. 3. Kaalimihi shidaalkaa laxiray iyo kaydki waada;e. 4. Kabtan iyo ciyaar looma kaco tii kalkeed galaye. 5. Kaahin iyo wax sheeg iyo dabiib kaalintood gabe,e. 6. Saynis yahan la koolkoolin jiray kaarki laga qaadye 7. Haweenkii kalyaha qaawin jiray kaaki loo galiye. 8. Suuqyadi karoornaa cuntada kimis ma iibshaane. 9. Kuleej iyo iskuul looma diro kuray aroortiiye. 10. Tareenkii kun lagu raacijiray waa kob faaruqehe. 11. Karinkii afkaa laysku dilay koodhna laga yaacye. 12. Kaabuulbaa maanta kow la yiri kaalin nabadeede. 13. Kansas iyo Kyotoiyo kaili baa kaarku baxayaaye. 14. Kiyeef iyo Kassel baa kumaan loo karfanayaayo. 15. Kalyan iyo kashan waxa ka dhacay kabasho loo waa. 16. Kallithea iyo Kalisz niman dagani kuma kifaaxaan.
17. Idinkuna kobtaan garanayaad kibir murmaysaane. 18. Indinkaa is kuurkuurayee koob ma jabisaane. 19. War ka kaca coronuhu intuu koonahaa jiro. 20. War ka kaca intaan laydin Kadin korortay hawshiiye. 21. War ka kaca intaan laydin Kadin kalabax weeyaane. 22. Culimooy Kitaabkiyo baryada kor ugu luuqeeya. 23. Kaalintiini weeyee Allaah kaamil ugu hoydda. 24. Maamulkow kufkiin fiiriyoo kiin isugu yeedha. 25. Kalmad qura u yeershoo shacbiga galiya kaambayn. 26. Coronuhu intuu naga fogyahay hadaba koontadii fura. 27. Kaniinadi qandhada reebayiyo keena qalabkii. 28. Aqoonyahan karaamadi cilmiga kaalin wacan qaata. 29. Amnigow kuwaa soo kilkilan yay kab soo dhiging. 30. Boolisow kii la soo kab gamey dhiga karaantiilka.

Erayada ama magacyada qalaad

 

12.(Kabul-Afghanistan), 13.(Kaili-China) (Kyoto- Japan) (Kansas City USA) 14.(Kyiv-Ukraine) (Kassel-Germany) 15.(Kalyan-India) (Kashan-Iran) 16.(Kallithea-Greece) (Kalisz-Poland



Waxaa Qoray oo tiriyay

Yassin Sh Nor

37 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page