top of page

Gabaygii Culimadaay Sheega


 
  1. Ciraab gabay kolkay taagantahay curinta suugaanta.

  2. Aadanahu cadaan iyo madow ima cilaaqne.

  3. Caqli iyo intii garasho lihi wayga cararaane.

  4. Bal aan curiyo caawoo kaluu ii cuntamayaaye.

  1. Caruur iyo cirooliyo Saqiir cayn walbaba uunka

  2. Caqligoodu wuxuu diidanyahay Culimadaay sheega.

  3. Idin Cadaan Garankaree Culimo ii sheega.

  4. Cirkoo da,aya Ciidoon qayayn Culimo ii sheega.

  5. Cadceedoo Cirkii diidayoo Ciida soconaysa

  6. Oo Carootoo cidi maslixi Culimo ii sheega.

  7. Cal iyo buur cagaarkii kuyiil cunay dhamaantii

  8. Oo caato wiiqmoo gaajana cadiban Culimo ii sheega.

  9. Badoo caratay dhulkoo ciil qaboo dhagaxdu ciidmayso

  10. Cirkuna dhaaran Cadceeduna gar naqi Culimo ii sheega.

  11. Hal calooshi laga soo ridoon carun ka soo daadan

  12. Cawsna daaqi caanana irmaan Culimo ii sheega.

  13. Cambar iyo adoo dahab ka helay Ciida guradeeda

  14. Caanotayn maraan lagu badalan Culimo ii sheega.

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Nin Calooshu faaftoo cayilay cidina sooryaynin

  3. Cidna boobin asaguna cood lahayn Culimo ii sheega?

  4. Nin cabaaday oo catow iyo hohey talo ka ciirmaatay

  5. Oon isagii cisaaraa jiree Culimo ii sheega?

  6. Nin ciroobay oo ciraab iyo wax garad caadil ugu deeqay

  7. Oo wali caruuroo cidi danayn Culimo ii sheega?

  8. Nin cilmi leh caalin iyo wadaad camalo shaydaan leh

  9. Oo lugu ciseeyoo cidi hawl ka sugi Culimo ii sheega?

  10. Caruurtiisa waalid qalanayoo cunaya jiirkooda

  11. Oo aan ciidan hawl karbin Culimo ii sheega?

  12. Caqligaagu wuxuu diidayoo kuu cuntamiwaayay

  13. Oo laga caroodoo fuxshiya cudurna looyeelay

  14. cilmi lagu banaystoo fasaxi Culimo ii sheega?

  15. Cunahaaga ninkii gaynayee dhuuqa carunkaaga

  16. Casabiyo walaal suu unoqon Culimo ii sheega?

  17. Dharaartay cuslaatee aduun ciirto taladiisu

  18. Cadawgaagu siduu hiil u tari Culimo ii sheega?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Cunahaaga waxaad marisayee tagin calooshaada

  3. War cirfiidka qaatoo labaxay Culimo ii sheega?

  4. Cad baruurleh caato iyo taharo calaf mataaneeyay

  5. Ninwaliba midkuu cuni lahaa Culimo ii sheega?

  6. Curyaan luga la curdadiyo fadhiid cago ku faanaaya

  7. Oo ciida halkii ay jantaan aan cisho u guulin

  8. oon cidi walwaaline kabtami Culimo ii sheega?

  9. Cad gabow ah cirooliyo saqiir caashaq halakeeyay

  10. Cirbadaha daweeyiyo dabiib Culimo ii sheega?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Awrkii cadhoobee layiri yuu cadilin geela

  3. Cishadaad masaalkiisa tahay Culimo ii sheega?

  4. Ceebaha walaalkii ninkii camal iyo hawl mooda

  5. Cisho kale inuu garanayaa waa cadaan jira e

  6. Cilmi lagu doweeyoo uroon Culimo iisheega?

  7. Caanaha ninkii soo lisaba diiday cabistooda

  8. Cantuugada waxaad ugu malmali Culimo ii sheega?

  9. Ciil iyo xanaaq iyo adoo cara la diidaaye

  10. Cirbo daalis haduu kaaga bixi Culimo ii sheega?

  11. Arintoo ciriiriya dharaar Ceebi kugu taal

  12. Cid kaleeto haday kaa tirti Culimo ii sheega?

  13. Casabiyo walaal kula dhashoo ciidan iyo xooga

  14. Oo cadow shisheeyaba ka daran Culimo ii sheega?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Caqli laawe liitiyo dabaal caale tala waa ah

  3. Cida lagu haleeyoo ku dhaqan Culimo iisheega?

  4. Nabadoo cirkaa aadayoo ciida laga waayay

  5. Colaad loo riyaaqoo la jaman Culimo iishega?

  6. Cayr iyo ninkii saabiree caato dhimanaaya

  7. Calafkaad ka dhawrtoo kasugi Culimo iisheeg?

  8. Cuudka iyo maalkoo la dhaqan Culomo iisheegaa?

  9. Cisada iyo sharaftoo la nacay Culimo iisheega?

  10. Cashiga iyo baahida la jaman Culomo iisheegaa?

  11. Cilmiga iyo Culuuntoon la rabin Culomo iisheegaa?

  12. Caqligiyo garaadkoon arimin Culomo iisheegaa?

  13. Cududa iyo xoogoon wax qaban Culomo iisheegaa?

  14. Curdun gabara cajuusada kawacan Culimo ii sheega.

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Ciidoo intii lala waramay cod iyo dood keentay

  3. calwasaadimaayee natiri waydin cunayaa

  4. Aadanahu haduu caabinkaro Culimo iisheega?

  5. Cidood iyo dugaag soo saftoo ciidan iyo xoog leh

  6. oon kala caroonine isjecel ciilna noo qaba

  7. Aadanuhu haduu cabinkaro Culimo iisheege?

  8. Caadkiyo daruuraha cirkoo soo cilaaqtamay

  9. oo danab canaan kulul fasaxay karar culayswayn

  10. Aadanuhu haduu caabinkaro Culimo iisheega?

  11. Cadceedoo kulaylkeedi tiri ciida wada gaar

  12. oo malag caraysani ka rogay daahi celinaayay

  13. Aadanuhu haduu caanibkaro Culimo ii sheega?

  14. Cagaarka iyo dooggoo biyihi cudur kaqaadaaya

  15. cashigiyo dhibtaa gaartay iyo caabuqiyo hawsha

  16. Aadanuhu haduu cabin karo Culimo iisheega?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Ina colow cabaadiyo kakane caare iyo buube,

  3. Cawreere iyo Loobogiyo culimadii diinta.

  4. Cabulqaadir iyo Caydaruus Waliga caad jiifa,

  5. Cumar khidaab Cali Daalib iyo Ciidamadi Eebe.

  6. waalidiint ciida hoos ugalay baa la soo celin.

  7. Caaqil iyo cuquulbay maslixi ceebi kala gaadhay

  8. kolkaasay cashiyo dhawrto bixin culimo ii sheega?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan curiyo maahmaah.

  2. Caamadu Culimada ka badan kana cod dhaadheer.

  3. Caynkaa wixii looga dhigay Culimo ii sheega?

  4. Midab aan cadaan iyo ahayn ciiro bay

  5. Oo aan carun gaduudiyo ahayn ama carwaajiis.

  6. Oon cagaarka geedaha shabihin jaalana u ciirin.

  7. Oon catiro madaw buluug caynki lagu sheegin

  8. Oo carada ka buuxaa jiree culimo ii sheega.

  1. Cabir iyo halbeeg iyo xisaab aan culays jirin

  2. Oon cood laqaybshay iyo maal cidi ka doodaynin.

  3. Cad iyo koox waxaad uga dhigteen Culimo ii sheega?

  1. Ciidiini hooyiyo dhulkii caadil idin siiyay

  2. Cadawgaad u loogteen durbaba wuu cantoobsade

  3. Caruurtiina waxaad uga tagteen culimo iisheega?

  4. Cosobkii dalkeeniyo dadow calanki nuuraayay.

  5. Caqlibaan la haynine walee wuu caweersadaye

  6. Cida lagu halayn oo umaqan culimo iisheega?

  1. Cambarkii badwayntiyo miyiga cawshi miranaysay

  2. Cirkii da,ayay cagaarkii bixiyo coodki dararaayay.

  3. Cid kaleeto inay maamushaad caawa mudateene

  4. Ciida waxaad ujoogtaan hadloo Culimo iisheega?

  5. Caruurtiyo haweenkiyo ilmihi wada cudoonaa.

  6. Caatay u weecdeen hadaan laga cambaaroon.

  7. Ciida waxaad u joogtaan hadloo Culimo iisheega?

  1. Ciidankeeni xoogiyo kuwii laga cabsoonaayay.

  2. Cadowgiyo shisheeyuhu kuwuu nagu cisaynaayay.

  3. Caada qaatayaashiyo duliga nimanki ciilaayay.

  4. Cirka sare kuwii merayee ciida miranaayay.

  5. Cishaday istaagaan kuwii cadawgu guuraayay.

  6. Cidkaleeto inay maamushaad caawa mudateene

  7. Ciida waxaad ujoogtaan hadloo culimo iisheega.

  1. Sirdoonkii ciduu daba galiyo cadowga laalaayay.

  2. Cududii asluubtiyo kuwii ceebta qabanaayay.

  3. Canshuuraha kuwiii qaadayiyo ciidamadi hoose.

  4. Cid kaleeto inay maamushaada caawo mudateene.

  5. Ciida waxaad ujoogtaana hadloo Culimo ii sheega?

  1. Afartaas cadeeyaye hadaan Celiyo baydkaan.

  2. Caynki Badawi oo kale hadaan ceeb la,aan xiro.

  3. Ciraab gabay kalkay taagantahay curinta suugaanta.

  4. Aadanuhu Cadaan iyo madow ima cilaaqaan.

  5. Caqli iyo intyii garasho lihi wayga cararaane.

  6. Caawana midaan furay amaa cidi ka doodaa?

Dhamaad


186 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page