top of page

Sara kaca Qiyaamaha

Updated: Apr 3, 2020



 

Allow sahal sidaan doonayiyo samiyo liibaan.

Adigaa waxaad saamaxdaa suuragalayaane.

Adigaa waxaad saamaxdaa socon karaayaane.

Adigaa waxaad saamaxdaa samo dhalaayaane.

Adigaa waxaad saamaxdaa sahal fulaayaane.

Adigaa waxaad saamaxdaa sabab ubaahnayne.

Allaw sahal sidaan kaa baryoo suubi taladayda.

Saldanadiyo xoolaha adaa siinta maamula’e.

Adigaa saqiir iyo gabow siiya calafkoode.

Sabool iyo Rabiyow ha iga dhigin saabir iyo cayr.

Aadanahu ninkii subax mutay suuqa mariyaane.

Samayskaad abuurtay Rabiyow si u dhaliilaane.

Waxaad adigu siisoo yarbay kaga sareeyaane.

Sacabo hoorsi Rabiyow ha igu qaban subax aduunkaa.

Sagsaag iyo Rabiyow ha iga dhigin caale saawira.

Saaqid iyo Rabiyow ha iga dhigin saaxir iyo tuug.

Samayskayga Allow ha ubadalin siifad iyo ceeb.

Sariigtiyo xishoodkana Rabiyow ha iga saraqaadin.

Sumcadana Rabiyow ha iga lumin sarana iiqaad.

Adigaa isameeyee Rabiyow cuduro hay saarin.

Samirkiyo dulqaadkana Rabiyow saabbir iga yeel.

Sunaha iyo faradkiyo xaqana Rabiyow saabka ii gali.

Salaadiyo Soonkiyo Sakada Rabiyow suubi camlkayga.

Saacdayda geerida markay gaadho sababtayda.

Anoo Sooman Salaadana tukaday oo Sadaqo dhiibtay.

Dayntana ka saafiya Rabiyow soofi noloshayda.

Sakaraadka geerida Rabiyow ha igu saxariirin.

Suaalaha Qabuuratana Allow sahal jawaabtayda.

Sara kaca Qiyaamaha Rabiyow hay silsiladayn.

Suudiga Cadaabtiyo Rabiyow siibad ha galin.

Siraadkana Rabiyow iiga yeel sibiq midaan moodo.

Sariiraha Fardows iyo Janada Rabiyow saami iga sii.

Safka Nabiga (SCW) Allow iga midyeel waa sidaan rabo’e.

By Yassin Sh Nuur


41 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page