top of page

Allaa Amar Leh

Updated: Apr 3, 2020


Yassin Sh Nor
 
  1. Allaa amar leh akhlaaq iyo wanaag qolo adeecdaa leh.

  2. Intii Eebe doortiyo Anbiyadaa aayo iyo khayr leh.

  3. Ashahaadka ruuxii qiraa nabad iyo iimaan leh.

  4. Alxamdulillahi ehelu diinnimaa edeb iyo maamuus leh.

  5. Allaahu akbar aadaankiyo wakhtiga aadis faralkaa leh.

  6. Asal lagu daydiyo raad anafaca aragti Siiraa leh.

  7. Shan Islaama Lix Iimaana iyo udubo diintaa leh.

  8. Allaa amar leh ayaadkaa sharciya aadis Xaramkaa leh.

  9. Alle magane Iblays iyo kufraa ololki naareed leh.

  10. Intii uu ilaaq noqon lahaa aamus hadalkaa leh.

  11. Dharaartuu ku aamino nafluhu ka ambo ceebaa leh.

  12. Intaan iilka lays gayn horteed bixi aduunyaa leh.

  13. Ubadkiisa ninkii korinayow ababsan diintaa leh.

  14. Ixtiraam ninkii doonayow baro aqoonbaa leh.

  15. Aqal nabada iyo oori wacan gabar Islaamaa leh.

  16. Oday dhaqan inantii rabtaay aniga iikaalay.

  17. Ardaalnimo intii Jamatayeey anigu maaqaan


16 views

Recent Posts

See All
Featured Posts
Maxaa Cusub
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page