WAA DEEQ ILMUHU

Dahab maal aduun Duunyo iyo lacag Kuma doorsatide Waa deeq ilmuhu Dadku umu sinoo Daa'inkaa baxshee. Ubax daawashoo Daymada indhuhu At Ku doogsadaan Waa deeq ilmuhu Lama daayacee Ka ogoow darxumo. Lixda cudur dilaa Ka duroo talaal Ha ka daahinoo Ha ka deyn marnaba
by Cabdi Cali Boss